Din nettleser er for gammel. Vennligst oppgrader nettleseren din eller last ned en alternativ nettleser som Google Chrome eller Firefox.

Koronavirus / corona virus

Teknisk feil koronavaksine-bestilling aldersgruppe 40-44 skal nå være rettet.
 

Koronainformasjon på norsk

Corona information in English  

ትግርኛ   العربية  Ikinyarwanda  Soomaali 

Soomaali (somalisk)

Download information in Somali (PDF, 130 kB)

 

Tallaalka koronada

Koroona iyo ka hortagga faafitaanka caabuqa

Dalbashada tijaabada koroonada

 

Tallaalka koronada

Dadka deeganka ah ee da´doodu ka weyntahay 18 sano iyo dadka goobayba waxa loogu deeqayaa talaalka koroonada. Talaalku waa bilaa lacag.

Xog ku saabsan talaalka

Xog guud oo talaalka ku saabsan oo luqado kala duwan oo qoraal iyo maqalba leh halkan baad ka helaysa: https://www.fhi.no/publ/informasjonsark/koronavaksine-pa-1-2-3/

Shrikado dhowr ah ayaa sameeya talaalka-koronada. Degmeda Indre Fosen kommune waxan dadka siinaa talaalka ay sameysay Pfizer/BioNTech. Balse waxala iman kara talaalka ay Moderna sameyso iyo shirkadaha kale. Xog la turjumay oo talaalka ku saabsan halkan baad ka heli kartaa:

Talaalka caabuqa koroona - Comirnaty (BioNTech og Pfizer)      

Talaalka caabuqa koroona - COVID-19 Vaccine Moderna

Goorma ayaa talaalka lagu siinaya?

Talaal dadka isku mar la siiyaa ma jiroSidaa awgeed Degmadu dadka waxay talaalka ugu fidineysaa kala hormarinta xukuumaddu sameysay. Kala hormarinta waxa ugu horeyn lagu saleeyey da´. Kala hormarinta bartan baad ka arki kartaa

Norwiiji:www.indrefosen.kommune.no/koronavaksine       

Ingiriisi: www.indrefosen.kommune.no/corona

Sidee ballanta talaalka loo qabsada

Marka Degmadu hesho talaalka loogu talogalay dadka da´daada ah ee degmeda deggan, SMS ayaan moobilkaaga kuugu soo diraynaa. Fariintaa waxa ku qoran in aad gashan bogga intrenettka indrefosen.kommune.no/bestill. Boggan waxa aad ku gelaysaa IDga elektrooniga ah, dooranaysaa goobta iyo saacadda aad rabtid in aad qaadatid talaalka. Haddii aanad haysan ID elektroniiga ah ama siyaabo kale awgood aanad bogga elektroniiga u isticmaali karin, degmeda ayaad halkan kala soo hadli kartaa si aad ballan u qabsatid: telefoon (+47) 74 85 51 00. U sheeg hadaad u baahantahay maalintaa aad talaalka qaadanaysid turjumaan u baahantahay.

Goobaha talaalku halkay ku yaalaan?

Marka aad ballanta qabsanaysid waxa aad kala dooranaysaa Rissahallen ama Smia. Waxa kale oo aad dooranaysaataariikhda iyo saacadda. Rissahallen waa dhismaha case e ka soo horjeeda Dugsiga Åsly skole ee Rissa sentrum. Smia waxay ku dhegsantahay Dugsiga sare ee Johan Bojer videregående skole ee Leksvik.

Xasuusnow maalinta aad talaalka qaadaynaysid

  • Waa muhiim in aad xiliga ballanta laguu qabtay timaadid. Haddii aad xanuusatid ama siyaabo kale awgood aad ballanta u iman kari weydid, waa in aad telefoonkan u soo sheegtid (+47) 74 85 51 00.
  • Markaad ballanta imanaysid way fiicantahay in aad soo xidhatid dhar fududeynaaya in shaqaalaha caafimaadku si fudud gacanta dhinaceeda sare kaaga talaali karaan.
  • Caddayn soo qaado.
  • Xusuusnow ka hortagga faafidda caabuqa: Ha iman hadaad xanuusanaysid. Dadka kale masaafad u jirsato, isticmaalna afgashi. Afgashi shaqaalaha ayaa ku siin kara, haddii aanad soo qaadan.
  • Haddii aanad nettka ka dalban ballanta, waa in aad buuxisid foom aad xogtaada ku caddaynaysid. Foomka is-caddaynta oo luqado kala duwan ku qoran, halkan ka eeg:
  •  
  • Talaalka koroonada 2 jeer baa qeybinayaa. Talaalka hore marka lagu siiyo ayaa, ballanta labaadna laguu qabanayaa.
  • Talaalka markaad qaadatid kaddib, waa in aad fadhiisatid oo sugtid ilaa inta aad guriga ka tegaysid.. Muddoda aad sugaysid oo aad fadhiisanaysid waa laguu sheegayaa.
  • Waxyeelooyinka: Halkan ka akhri waxyeelooyinka iman kara iyo marka aad dhakhtarka la xiriiraysid: https://www.fhi.no/publ/informasjonsark/koronavaksine-pa-1-2-3/

Koroona iyo ka hortagga faafitaanka caabuqa

Degmeda Indre Fosen kommune wuxuu raacayaa talaabooyinka ka hortagga faafitaanka caabuqa ee heer-qaran ee xukumadda Norway soo rogtay. Halkan baad talaabooyinka oo luqado badan ku turjuman ka heli kartaa.

https://www.regjeringen.no/en/topics/koronavirus-covid-19/corona-information-in-other- languages/id2814563/

Waxa kale oo aad halkan ka waci karta qof luqad kale yaqaan: Nummeret er 815 55 015.

Luqadaad rabtid ayaad taabanaysaa

  • Ingiriisi: marka hore taabo 9 si aad doorashada luqadda u gaadhid, kaddib taabo 1
  • Carabi: marka hore taabo 9 si aad doorashada luqadda u gaadhid, kaddib taabo 3
  • Soomaali: marka hore taabo 9 si aad doorashada luqadda u gaadhid, kaddib taabo 4

Haddii  koroonavirus aad xoog uga qarxo i Indre Fosen kommune, shuruuc ka adag kuwa uyaala guud ahaan qaranka Norway ayaa lagu soo rogi karaa. Bogga internettka ayaan markaa gelin doonaa xogta cusub www.indrefosen.kommune.no Hadaad kombiyuutar haysatid, bogga markaa waxad ku turjumi kartaa Google Translate, adiga oo taabanayaa «Translate» oo bogga dhinaca sare ee midig ku taal.

Dalbashada tijaabada koroonada

Calaamadihii caabuqa koroonada miyaad isku aragtay?Ka  eeg xogta la turjumay ee ku saabsan calaamadaha iyo waxa aad samaynaysid hadaad xanuusatid : https://www.fhi.no/nettpub/coronavirus/infomateriell/generell-informasjon-koronavirus-pa- flere-sprak/

Tiijabada ka dalbo: Halkan ballank a qabso https://timebestilling.remin.no/indre_fosen

Haddii aanad nettka ka dalban karin, xafiiska dhakhtarka kala hadal

  •  (+47) 41 70 24 00.